Midowga Yurub oo balanqaad horleh u sameeyay Soomaaliya

Image
Kulankan ayaa waxa ay safiiradan la yeesheen Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta. 

Saalax ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha Khawaariijta ah. 

Dhankooda, safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Safiirrada kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM