Miisaaniyadda Ciidamada xooga oo la kordhinayo [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Saadiq Xirsi Salaad [Saadiq Warfaa], Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2019, loo kordhin doono ciidamada xooga dalka Miinsaaniyadda ku baxda sanad walba.

Sababta ugu wayn oo ay u sameynayaan arrintaan ayuu ku sheegay baahi loo qabo in la dar-dar geliyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, si ay noqdaan kuwa tayo leh, islamarkaana dalka ka saari kara Xoogaga Al-Shabaab.

Xilldhibaan Sadiiq Warfaa ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kala hadli doono Madaxweynaha dalka, ahna Taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka, iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Si loo helo ciidamo xoog leh oo uu dalkaan yeesho waa in la kordhiyaa Miinsaaniyadda ku baxda, oo Wasaaradda Gaashaandhiga la siiyaa waxay u baahan tahay, si loo dhiso ciidamo Soomaaliyeed," ayuu Xilldhibaanka u sheegay warbaahinta.

Hadalka Xilldhibaan Sadiiq Warfaa ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ciidamadda xooga dalka ay yihiin kuwa isku diyaarinaya in amaanka guud ee dalka ay kala wareegaan kuwa AMISOM, oo qorshuhu yahay inay isaga hayaamaan wadanka sanadka 2022-ka.

Dowladda Imaraaadka oo dhaqaalo badan ku bixin jirtay dhisitaanka ciidamada Soomaaliya ayaa hadda jaratay, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labadda dhinac, taasoo sababtay inay hoos u dhacaan adeegydda qaar ee ciidamada.

Tan iyo xiligaas, dowladda Soomaaliya ayaa raadineysay taageero cusub, iyo dal buuxiya booska uu Imaaraadku faarujiyay, waxaana ay qorshahaas hordhigtay dowladaha Turkiga iyo Qadar, oo hadda loo arko saaxiibo aadka ugu dhow xukuumadda hadda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM