Militariga Soomaaliya oo shacab ku laayay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay, in ka badan Tobban kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey  Rasaas Ciidamada dowladda, gaar ahaan Militeriga ay ku fureen dad Shacab ah gudaha magaalada Muqdisho.

Falkaan oo ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, saaka oo Axad ah ayaa sida ay Goobjooge uu u sheegey Warsidaha Garowe Online, ciidamadii ka dambeeyay ay isaga baxsadeen goobta.

Qof diiday in magaciisa la adeegsaday ayaa daboolka ka qaaday ciidamada ay kasoo baxeen Xerada Maslaxa, ayna kusoo wajahnaayeen Bartamaha magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidamada dowladda ay Shacabkaan ku laayeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha, balse, inta badan waxaa lagu sheegaa inay tahay mid ay wadooyinka ku furtaan, Rasaasta ay ridaan, xiliyadda ay marayeen goobaha mashquulka ah.

"Walaallow ciidamada dowladda oo kasoo baxay Xerada Maslaxa, ayaa waxay Rasaas ku fureen Dad Rayid oo ku sugan Suuqa Xoolaha, markii ay falkaan geysteena meesha ayay ka baxsadeen," ayuu yiri Goobjooagaha.

Mid kamid ah dadka ku dhintay Rasaasta ayaa waxaa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah, kaasoo saarnaa Gaari nooca raaxadda ah, sida uu shaaciyay Goobjoogaha GO u waramay.

Saraakiisha amaanka ee degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, wali wax war ah kama soo saarin falkaan, oo qeyb ka ah dilal joogto ah oo Ciidamada dowladda u geysanayaan shacabka.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxay si bareer ah ay ugu geystaan Muqdisho dilal dad Shacab ah, taasoo madaxda Hay'addaha amaanka ay ku cel-celiyeen inay wax badan ay ka qaban doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM