Minneapolis: Abdi Warsame oo dhaqaale u qoondeeyey xanuunka Autism ee Somaalida saameynta ku leh

Image

Gudoomiyaha degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis, mudane Abdi Warsame ayaa maalgeliyey mashruucyo wacyi-galin ah looguna talagalay xanuunka Autismka ee faraha ba’an ku haya caruurta Soomaaliyeed. 

Xafiiska Degmada 6-aad ee Minneapolis ayaa taageero siin doona Hay’ada (Somali Autims Parent Network). Wuxuu kale oo gudoomiyuhu maal-galin doona barnaamijyo kale oo wacyi-galin ah lana xiriirta xanuunkaasi. 

DAAWO VIDEO: https://www.youtube.com/watch?v=qs8XyWB0yes&featur...

Autism ayaa ah cudur kala dhantaala koritaanka maskaxda caruurta. Horaantii sanadkii 2015 ayay Jaamacadda University of Minnesota samaysay cilmi-baaris ay ku qeexday xanuunka Autismka in uu si xad dhaaf ugu badan yahay caruurta Somaaliyeed ee ku dhasha gobolka Minnesota. 

Cilmi baaristaasu waxay cadaysay in 32-dii caruur Somaaliyeed ee ku dhasha gobolka Minnesota mid ka amid ahi ku dhasho xanuunka Autismka. 

Tiradani aad bay naxdin u leedahay marka la barbar-dhigo guud ahaan dalka Mareekanka  oo 88-dii caruur ee uu mid ka mid ahi ku dhasho xanuunka Autismka. 

"Waxaa I wel-wel galisay natiijada daraasaadkaan Jaamacadu samaysay,” ayuu yiri Mudane Abdi Warsame. 

“Waxaan ka shaqeeye in dhaqaale loo qoondeeyo xanuunkaan, si garab loo siiyo waalidiinta Somaaliyeed ee caruurtoodu la tacaalaysa Autismka,” ayuu ku daray Mudane Abdi Warsame. 

Mudane Abdi Warsame ayaa sidoo kale horgayn doono golaha degaanka Jimcada inaga soo foodleh (04/15/2016) qaraar Magaalada Minneapolis ay ku aqoonsanayso dhibaatada xanuunkaan sida gaarka ah Somaalida u haya islamarkaana faraysa shaqaalaha Magaalada in ay la yimaadaan qorshe lagu caawiyo waalidiinta Somaaliyeed. 

Xafiiska Demada 6’aad ee Minneapolis ayaa kaashan doono ururka Waalidiinta Somali Parent Autism Network  oo qorshaynayo munaasabad looga hadli doono xanuunkaan iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan waa’lidiinta Somaaliyeed.   


Xilliga: 04/15/2016 5:00 – 10:00pm 

Goobta: Center for Changing Lives: 2400 Park Avenue South, Minneapolis. 

Jama Bulhan , Ward 6 Intern  Minneapolis City Council - 6th Ward Jama.Bulhan@minneapolismn.gov

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM