​Mocallimow oo loo doortay Xoghayaha NUSOJ

Image

MUQDISHU- Codayn qaadatay waqti dheer islamarkaana soo billaabatay saaka ayaa goor dhaweyd lagu soo gaba gabeeyay magalada Muqdishu xarunta dalka Somalia, waxaana lagu dooranayay hogaanka sare ururka ay ku midaysanyihiin warbaahinta dalka ee NUSOJ.

Murashaxiin dhawr ah ayaa isu soo taagay jagooyinka Gudoomiyaha ururka iyo xoghayaha, balse ugu dambayntii waxaa la doortay Wariye Maahir Jaamac oo noqday guddoomiyaha NUSOJ iyo Maxamed Ibrahim Mocallimow oo xoghaye loo doortay.

In kabadan 140 wariye ayaa codkooda dhiibtay kuwaasi oo kala matalayay warbaahinta kala duwan ee Somalida.

Maahir ayaa kusoo baxay codadkii la dhiibtay, isagoo ka guulaystay Aadan Kismayo oo booskaasi kula loollamayay, halka Mocallimow uu u tanaasulay ruuxii la tartamayay oo lagu magacaabo Cali Baashi.

Xoghayaha la doortay Macallimow, ayaa khudbad uu madasha ka jeediyay, wuxuu ku sheegay in doorashadu u dhacday qaab wanaagsan, isagoo ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay xubnihii doortay ee qaybtood masaafada dheer soo jaray.

Ururka ayuu xusay inuu isbadal ku samayn doono islamarkaana diiradda saari doono hormarka.

Doorashadan ayaa timi xilli dhawaan la xalliyay khilaaf xooggan oo ka taagnaa dalladda midaysa wariyaasha iyo warbaahinta Somalida.

Labada hogaamiye ee la doortay ayaa sumcad ku dhex leh wariyaasha waddanka iyo xitaa bulshada.

Qaar kamid ah saxafiyiinta codkooda dhiibtay ayaa warsidaha GO wax ka weydiiyay qaabka u arkaan, waxayna dhammaantood sheegeen inay ku faraxsanyihiin islamarkaana rajaynayaan inuu yimaado isbadal baaxad leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM