Muhaajiriin laga soo celiyay Libya oo laga dejiyay Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Sabti ah laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho 11 Muhaajiriin Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Libya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa soo dhaweeyey tahriibiyaashan kusoo noqday dalka oo dumar iyo caruur ay ku jiraan.

Mahdi ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ku bixisay sidii looga soo dayn lahaa xabsiyada dalka Libya, iyadoo uu dirtay dalkaasi wafdi loo xilsaaray dib usoo celinta Muhaajiriinta Soomaalida ah.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, ayaa dadkaan shalay diyaarad gaar ah ka soo saaray Magaalada Tripoli ee caasimadda Libya, iyagoo kaashanaya Hay'adda QM dhanka socdaalka u qaabilsan ee IOM.

Dadkan ayaa mudo dheer ku xanibnaa dalka Libya oo ay ku heysteen kooxda Magefe oo ay gacanta u galeen markii ay tageen dalkaasi waqooyiga qaaradda Africa ku yaalla si ay uga soo gudbaan Yurub.

Dalka Libya ayaa waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah oo qaarkooda gacanta ugu jira Magefe, iyagoo laga doonayo lacag madax-furasho ah, waxaana ay dhibaatooyin ku wajahayaan xabsiyada ay ku xiran yihiin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM