Mulkiilaha Idaacadda Shabelle iyo labo wariye oo wali ku xiran magalada Muqdisho

Image

Muqdisho,Somalia 27.August [GAROWEONLINE]- Magaada Muqdisho waxaa wali ku xiran mulkiilaha Radio Shabelle iyo labo wariye oo ka howlgala Shabelle iyo SKY kuwaasoo ciidanka nabadsugida  ay xiraan 15-ka bishaan August.

Sidoo kale waxaa wali hawada ka maqan labadaasi idaacadd oo masuuliyiinta wasaradda amniga kusoo eedeeyeen inay tabiyeen warar lid ku ah dowladda Xasan Shiikh Maxamuud iyo amniga Muqdisho.

Agaasimaha Radio Shabelle oo la hadlay Radio Garowe ayaa cadaalad daro ku tilmaamay xariga saddexaasi ruux wuxuna sheegay inay cambaaraynayaan isla markasna maxkamadda looga baahan yahay in lasoo taago oo lagu qaado danbiga lagu haysto.

''Aniga waxaan aamin sanahay inay sharci daro ku xiran yihiin wariyayaashan oo aan ilaa iyo hadda maxkamadd lasoo taagin,awood qof lee yahay in qof lagu xiraa mar kasta waa sharci daro waana kasoo horjeednaa'' Maxmaed Muuse ayaa sidan R.Garowe u sheegay.

Ururka suxufiyiinta Somalida ee NUSOJ ayaa cambaareeyay falka lagu xiray wariyaasha isla markasna hawada looga saaray Shabelle iyo SKY balse wali dowladdu kama jawaabin codsiyada loo dirayo ee ah inay xoriyadda wariyayaasha xiran dib loo siiyo.

Balse Agaasimaha Radio Shabelle Maxamed Muuse ayaa qaba xariga wariyayaashan inay dad gaar ah ka danbeeyaan oo aan cadaalada la horkeenin wuxuna codsanayaa in lasii daayo idaacadahana hawada la galiyo.

''Waxan ugu baaqayaa DF haddii aad danbi ku haysaan raggaasi sharciga horgeeya laakiin waa inaad xoriyadooda siisaan waa sharuud la'aan taasaa ka codsanayaa''.

Magalada Muqdisho waxaa ku yaala in ka badan toban idaacadood oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya kuwaasoo aan la hayn sharci kala haga iyo nidaam ay ku wada shaqeeyaan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM