Muqdisho: Askari Bam gacmeed ku tuuray maqayaad ay leedahay hooyo soomaaliyeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu bam gacmeed ku weeraray milkiilaha Maqaayadda oo lagu magacaabo Hooyo Cudbi, kadib muran xooggan oo soo kala dhex galay.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii uu Askarigaasi booqday Maqaayada, isla markaana uu qado ka dalbaday Hooyo Cudbi oo la sheegay inay ku lahayd lacag.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah xaaladda ayaa si deg deg ah u sii xumaatay, taasoo keentay in askariga uu bam ku tuuray Hooyo Cudbi ka hor inta uusan goobta ka baxsan.

Qaraxan ayaa burbur xooggan u geystay maqaayadda, waxaana ku dhaawacmay Hooyo Cudbi iyo labo gabdhood oo ay qaraabo yihiin.

Dadka dhaawaca ah ayaa isla markiiba loola cararay isbitaal halkaasi ka ag dhawaa si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ciidamada dowladda ayaa hadda wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana ay si weyn u baadi goobayaan askariga ka tirsan ciidamada dowladda ee falkaan geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM