Muqdisho: Dab xooggan oo ka kacay Suuqa ugu weyn ee Geeska Afrika

Image
Waxaa haatan socda gurmad ay wadaan kooxaha gurmadka deg degga ah si loo badbaadiyo hantida dadka

Muqdisho, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa saaka aroornimaii dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah oo ka ka mid ah suuqyada ugu weyn Soomaaliya iyo gobolka.

Dabkan ayaa ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye, sida ay wararku sheegaayaan.

Waxaa haatan socda gurmad ay wadaan kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo badbaadiyo hantida ganacsatada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu soo qaaday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, balse laamaha ammaanka weli ma aysan xaqiijin.

Kooxda AS ayaa lagu tuhmaa weeraradan, iyadoo dhawaanahan ay qaraxyo noocaan oo kale ah ka geysteen bakhaarro lagu iibiyo qalabka elegtarooniga ah oo ku yaalla suuqa Bakaaraha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM