Muqdisho: Dad ku dhintay weerar Hoobiye

Image

MUQDISHU_ Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday weerar hoobiye oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Hobiyayaasha oo illaa lix ahaa, ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Hoobiyayaashan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 13 qof, oo qaar ka mid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Dhammaan hoobiyeyaasha, oo la ruemysan yahay in loola dan lahaa madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha dowladda, ayaa ku dhacay guryo iyo goobo ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Dadka khasaraaha uu soo gaaray ayaa dhammaantood ah dad shacab ah.

Weerarada hoobiyeyaasha ayaa dhowaanahan kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayada oo inta badan dadka weeraradan fuliya ay baxsadaan.

VOA

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM