Muqdisho: Dhinacyo aan haybtooda la garan oo beegsanaya Shirkad Isgaarsiin ah

Image
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala beegsaday booyad siday shidaal oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaasi oo marayay xaafadda Waxarcade ee degmada Heliwaa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uusan geysan khasaare nafeed, balse waxaa gabi ahaan burburay booyaddii iyo shidaalkii saarnaa, sida sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayaan.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli labo maalin un ka hor qarax kale lala beegsaday gaari ay isla shirkaddaasi leedahay oo isla goobtaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan, iyadoo laamaha ammaanka dowladda aysan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha.

Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay amniga iyo xasiloonida Muqdisho, waxaana la is weydiinayaa sababaha ka dambeeya beegsiga joogtada ah ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM