Muqdisho: Faahfaahin Qarax geystay dhimasho & dhaawac

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faah-faahin ayaa ka soo baxeysa َQarax Xalay ka dhacay ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho kaasi oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan dad rayid ah & askar.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maqleen qarax xooggan, kaasi oo noqday miino dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamada, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ah uu ahaa shacab, halka dhowr ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka, si halkaasi loogu dabiibo.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta tagay si ay u fuliyaan howlgallo, iyadoo saraakiisha ammaanka qaar ay xaqiijiyeen in muddo ka hor la aasayay Miinada, taasoo sii adkeyneysa in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM