Muqdisho: Faahfaahin Qarax geystay dhimasho & dhaawac

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faah-faahin ayaa ka soo baxeysa َQarax Xalay ka dhacay ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho kaasi oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan dad rayid ah & askar.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maqleen qarax xooggan, kaasi oo noqday miino dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamada, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ah uu ahaa shacab, halka dhowr ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka, si halkaasi loogu dabiibo.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta tagay si ay u fuliyaan howlgallo, iyadoo saraakiisha ammaanka qaar ay xaqiijiyeen in muddo ka hor la aasayay Miinada, taasoo sii adkeyneysa in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM