Muqdisho: Faahfaahinta qarax lala eegtay goob ganacsi oo lagu xiray Kaamirooyin CCTV

Image
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in rag ka tirsan kooxda “AS” ay isku dayeen qarxinta goob ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha oo lagu xiray Kaamirooyin CCTV.

Laamaha amaanka ayaa la warinaya inay ka war heleen ragga maleegay qaraxa oo ka kooban laba qof, iyaga oo dilay mid ka mid ah, halka uu dhaawacmay kan kale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in isla goobtay lagu dilay nin shacab, taas oo kor u qaadaysa tirada dadka ku dhinteen qaraxaan oo gaaraya laba qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo kooxda “AS” oo ku saabsan falkan, iyadoo weli ay socdaan baaritaano la xiriira.

Magaalada Muqdisho ayaa waayahan ku soo badanaya qaraxyada ay geysanayaan kooxaha argagaxisada oo ka soo horjeeda in goobaha ganacsi lagu xiro CCTV.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM