Muqdisho: Ganacsatada oo ugu dambeyntii qaatay amarka Dowladda

Image
Kaamirooyinka CCTV ayaa muhiimad gaar ah u leh hay'adaha amniga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salaad ayaa booqday Suuqa Bakaaraha oo loo yaqaano Suuqa ugu weyn Geeska Afrika, si uu wax uga ogaado sida ay u hirgaleen awaamiirtii Hey’adda NISA ee ahaa in ganacsatadu ku xiraan goobahooda ganacsi kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Hay’adda NISA ayaa soo saartay amarkaas iyadoo ujeedadu tahay in la sugo amniga lana badbaadiyo nolosha muwaadiniinta, sida lagu sheegay warbaahinta dawladda.

Go’aankan ayaa ka dhaqan galay inta badan xaafadaha caasimadda Muqdisho, iyadoo ay jireen cabashooyin si toos ah loogu gudbiyay laamaha ammaanka.

Cabashooyinkaas ayaa la xiriira hanjabaad ka imaanaya Kooxda Al-Shabaab oo weerar ku qaaday dhowr dukaan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, taasi oo keentay in qaar ka mid ah dukaamada ay fulin go’aanka.

Go’aamadii iska soo horjeeday ee ka soo baxay dowladda iyo AS ayaa ku soo idlaaday in go’aanka dowladda uu ka dhaqan galay inta badan magaalada, iyadoo ganacsatada ay dhagaha ka furteen amarka AS oo saameynta ay Muqdisho ku leeyihiin sii yaraanaysa.

Kaamirooyinka CCTV ayaa muhiimad gaar ah u leh amniga, maadaama lagu ogaan karo dhaq-dhaqaaqyada shakiga leh, sidoo kale noqon karto tixraac marka ay dhacaan falal amni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM