Muqdisho: Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xil-ka-qaadis

Image
Dhacdadan ayaa sii hurisay xiisada maanta ka taagan Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho..

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa maanta ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo xil-ka-qaadis lagu sameeyay Guddoomiye waaxeed ka howlgeli jiray degmada Warta Nabadda.

Dadka ka soo qeyb galay banaanbaxa ayaa fariimo culus u jeedinayay Guddoomiyaha gobolka Benaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale, taas oo inta badan daarneyd beegsi ka dhan ah beel gaar ah.

Ciidamada dowladda oo ka hortagay dibadbaxyaasha ayaa la sheegay in ay xabad ku dileen mid ka mid ah dadka dreenkooda ku muujinaayay goobta, taasoo sii hurisay xiisada taagan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydka marxuumka uu wali yaallo goobta, iyadoo ka qeyb galayaasha dibadbaxa ay sheegeen inay raadinayaan cadaalad & in dib loogu soo celiyo xilalka ay ka haayeen gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan 4-qof oo dhaawac ka soo gaaray xabada ay ridaayeen ciidamada dowladda, iyadoo shacabka isugu soo baxay goobta ay xaqiijiyeen in ay sii wadi doonaan dibaxbaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM