Muqdisho oo dib looga furayo Xarun laga hago hawada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabada ballaaran oo lagu daah-furayo xarunta hagista duulimaadka hawada ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa laga daah-furayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo, Mas'uuliyiin katirsan labada golle ee dowladda Federaalka, madax ka socoto dowlad goboleedyada, marti sharaf kale oo ay kamid yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka ayaa ka qeybgalaya xafladda.

Xaruntan cusub ayaa waxaa dib uu howlgelisay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay maalgelisay Hay'adda QM ee ICAO oo tan iyo 1992 maamulaysay hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in todobaadyada soo socda ay si muuxda ugala wareegto ICAO guud ahaan maamulka hawada dalka.

Wasiirka Duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa iclaamiyay dhawaan in qalabkii lagu hagi lahaa hawada mar hore lagu rakibay xarunta laga dhisay gudaha Garoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM