Muqdisho oo laga diiwaan-geliyey 54 kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 54 kiisas cusub oo ah fayruska Corona.

Dhamaan xaaladahaan ayaa laga helay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay saxaafadda u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo wariyeyaasha la hadashay galabta.

Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya Abiikar, bukaanada cusub 40 kamid ah waa lab, halka 24-ka kelana ay yihiin Dhegid.

Guud ahaan dalka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidda ku xusan warbixinta, lama soo warin dhimasho cusub oo la xiriirta Covid-19.

"Tirada kiisaska guud ahaan dalka waa 582; ma jirto qof qaba Covid-19 oo waddanka ku dhintay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, hal qof ayaa bogsaday, tiradda guud ee caafimaaday waa 20," ayay raacisay.

Sidoo kale, tiradda guud ee la xaqiijiyey in ay u geeriyoodeen xanuunka gebi ahaanba waddanka ayaa wali ku taagan 28.

"53 boqolkiiba dadka maanta laga helay da'dooda waxay u dhaxeysaa 20 illaa iyo 39; halka kuwa jira 40 illaa iyo 59 ay yihiin 23 boqolkiiba," ayay hadalkeeda ku dartay wasiiradda.

Muqdisho ayaa safka hore kaga jirtay magaalooyinka waddanka ee ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay Coronavirus. Tiradda illaa iyo haatan diiwaanka ku jiray waxay gaareysaa 506 ruux.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM