Muqdisho oo laga qaban doono doorsho dadweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in Gobolka Banaadir ay ka dhaceyso doorasho dadweyne, halkaasoo dadka ku nool caasimadda ay dooran doonaan guddoomiyeyaashooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in 30-ka bisha June ee sanadka soo socda la qaban doono doorashada Golaha deegaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

“Muranka ka taagan Muqdisho waligii buu jiray, Waxaana rajeynaa in gobolkan wuu noqodo gobol xassilloon”. ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabadan ay sare u qaadi doonto isla xisaabtanka, isaga oo carabka ku adkeeyay in shacabka Muqdisho ay dooran doonaan gudoomiyaasha degmooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM