Muqdisho: Qarax ka dhacay goob u dhow Madaxtooyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo la beegsaday maqaayad lagu magacaabo Baar-Bulsho oo ku taalo Isgeyska Sayidka.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 9 qof sida ay sheegeen dad goob-joogayaal, iyadoo laamaha ammaanku aanay weli wax faahfaahin ah ka bixin sida ay wax u dhaceen.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ku dhow madaxtooyada, waxaana dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka ku xeeran.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa dhawaan shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubin ka shaqeynayey inuu Hub iyo Walxaha Qarxa u soo geliyo Al-shabaab, taasoo la filayo inay saameyn ku yeelato amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM