Muqdisho: Qarax ka dhacay goob u dhow Madaxtooyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo la beegsaday maqaayad lagu magacaabo Baar-Bulsho oo ku taalo Isgeyska Sayidka.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 9 qof sida ay sheegeen dad goob-joogayaal, iyadoo laamaha ammaanku aanay weli wax faahfaahin ah ka bixin sida ay wax u dhaceen.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ku dhow madaxtooyada, waxaana dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka ku xeeran.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa dhawaan shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubin ka shaqeynayey inuu Hub iyo Walxaha Qarxa u soo geliyo Al-shabaab, taasoo la filayo inay saameyn ku yeelato amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM