Muqdisho: Qaraxyo is-daba-joog ah oo lagu beegsanayo shirkad Isgaarsiineed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay Qaraxyo lala beegsaday xafiisyo ay shirkad isgaarsiineed oo caan ah ku leedahay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa ka dhashay miinooyin lagu aasay afaafka hore ee xarumaha ee shirkadda Hormuud ee deegaankaas.

Qaraxyadan ayaan geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo, iyadoo uu jiro khasaare hantiyeed oo soo gaaray dhismaha weerarka loo geystay.

Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Hormuud ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxya]dan.

Xarumo kale oo ay leeyihiin Shirkadda Hormuud ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu weeraray degmada Dayniile iyo xaafado kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho, lamana oga Cidda ka dambeysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM