Muqdisho: Sayid Cali oo dil toogasho lagu xukumay iyo difaaca oo Racfaan ka qaatay

Image
Abukaate Cali Xalane ayaa sheegay in ay Racfaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamadda.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa Marxuumad, Luul Cabdicasiis nolosha ku gubay.

Dacwadda kiiska Sayid Cali Macallin oo marxalado kala duwan soo martay ayay maxkamaddu maanta ku dhowaaqday natiijada kasoo baxday baarista fal dambiyeedka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda ehelada Marxuumada.

Abukaate Cali Xalane oo matalaayey eedeysane Sayid Cali ayaa sheegay in aysan filanayn go’aankii ka soo baxay maxkamada, iyaga oo sheegay in ay ka qaadan doonaan Racfaan.

Ehelada Marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa dhanka kale muujiyay sida ay ugu qanceen go’aanka maxkamada, iyaga oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Meydka Luul ayaa wali lagu hayaa Frinjeer, waxaana la sugaaya in lala aaso Sayid Cali, ka dib markii lagu fuliyo xukunka maxkamadda, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyska marxuumada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM