Muqdisho: Taliye degmo oo loo xiray dilka Ganacsade Abuukar Kaabax

Image
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in tirada eedeysanayaasha ay gaarayaan ilaa 7 qof.

Muqdisho, Soomaaliya - Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay gacanta ku dhigan dad lagu tuhmay in ay ku lug leeyihiin dilkii loo geystay Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax.

Afhayeenka ayaa sheegay in tirada eedeysanayaasha ay gaarayaan ilaa 7 qof, kuwaas oo ka mid ah taliyihii saldhigga Booliiska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye.

5-ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu sheegay in ay yihiin dad shacab ah, lana soo hor fariisin doono maxkamadda awoodda u leh markii la soo dhameystiro baaritaanka.

Afhayeenka ayaa iftiimiyay dadaalka ay dowladda ku bixisay sidii daaha looga rogo dadka ku lugta leh falkan isla markaana caddeeyay in baaritaanka ku saabsan kiiskan oo weli socdo.

Ganacsade Abuukar ayaa meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaleey, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Koox hubaysan oo afduubatay, kadibna dilay, iyaga oo meydkiisa ku tuuray meel qashin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM