Muqdisho: Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay Saldhigga Turkida ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah kuwaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh sida laga soo wariyay dad shacab ah oo ku dhawaa aagagaas.

Qaar ka mid ah madaaficda lasoo tuuray ayaa ku dhacay saldhigga TURK-SOM ee ay dawladda Turkigu ka dhistay magaalada Muqdisho, halka 3 madfac ay ku dhaceen degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.

Laamaha ammaanka ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo goob joogayaal ay xaqiijiyeen in shan qof ay ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacay guryo ay deganaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicda laga soo tuuray Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyadoo laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadan iyo halka laga soo agaasimay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM