Muqdisho: Xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo la shaaciyay

Image
Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay Xubanha Golahan.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Golaha ayaa kulankan ku ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
7. Hinda Daahir Jaamac
8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Golahan ayaa gundhig u ah dhaqan gelinta Xeerka Saxaafadda oo uu saxiixay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaaso oo inta badan ka careesiiyay bahda Saxaafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM