Museveni: Khasaaro xoogan ayaa naga soo gaartey weerarkii Al-Shabaab

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa daboolka ka qaadey khasaaraha rasmiga ah ee Ciidamada dalkiisa kasoo gaarey weerarkii Buula-Mareer.

Museveni ayaa xaqiijiyay in 8 Askari looga dilay weerarka ka dhacay Axadii Buula-mareer, kaasi oo isagu jiray qaraxyo loo adeegsaday baabuur walxaha lagu soo xiray iyo dagaal toos ah oo lagu qaadey Askarta Uganda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-kiisa ayuu ku yiri Museveni: Nasiib darro, 2 gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayay cadowga ku weerareen saldhigga, mid kamid ah ayaa dilay 8 kamid ahaa Askarteena.

Madaxweynaha Uganda ayaa uga tacsiyadeeyay qoysaska wiilashooda ku waayay weerarka.

"Noloshooda nabad waarta haku nagaado. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska Askarti nalooga dilay Soomaaliya," ayuu hadlkiisa raaciyay Museveni.

Hadalka Museveni ayaa khilaafaya tiradadii uu horey u shaaciyay Afhayeenka Ciidamada Uganda Brigadier Richard Karemire, oo sheegay in 4 Askari looga dilay weerarka, 6 kalena ay uga dhaawacmeen.

Brig Karemire ayaa Wariye-yaasha u sheegay shalay in Askarta dhaawaca ah ay xaaladooda soo wanaagsanaanayso, islamarkaana ay ku jiraan Isbitaallka AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Brigadier Karemire waxa uu xusay dhanka kale in Al Shabaab ay uga dileen weerarka 30 xubnood, iyadoo Museveni uu sheegay in 36 la dilay.

Kooxda ay xaqiijiysay in 14 ay ku waysay howlgalka Muula-Mareer ka fulisay, kaasi oo ahaa mid midkii ugu khasaaraha badnaa oo Ciidamada Uganda lagu qaado tan iyo billowga sanadkan 2018-ka.

Dalalka Geeska Africa ayaa ugu deeqay howlgalka Midowga Africa ee AMISOM 22,000 oo Askari kuwaasi oo mudo 10 sano ah dagaal kula jira Al Shabaab, iyadoo wali aysan ku guuleysan inay nabadeeyaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM