Museveni: Khasaaro xoogan ayaa naga soo gaartey weerarkii Al-Shabaab

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa daboolka ka qaadey khasaaraha rasmiga ah ee Ciidamada dalkiisa kasoo gaarey weerarkii Buula-Mareer.

Museveni ayaa xaqiijiyay in 8 Askari looga dilay weerarka ka dhacay Axadii Buula-mareer, kaasi oo isagu jiray qaraxyo loo adeegsaday baabuur walxaha lagu soo xiray iyo dagaal toos ah oo lagu qaadey Askarta Uganda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-kiisa ayuu ku yiri Museveni: Nasiib darro, 2 gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayay cadowga ku weerareen saldhigga, mid kamid ah ayaa dilay 8 kamid ahaa Askarteena.

Madaxweynaha Uganda ayaa uga tacsiyadeeyay qoysaska wiilashooda ku waayay weerarka.

"Noloshooda nabad waarta haku nagaado. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska Askarti nalooga dilay Soomaaliya," ayuu hadlkiisa raaciyay Museveni.

Hadalka Museveni ayaa khilaafaya tiradadii uu horey u shaaciyay Afhayeenka Ciidamada Uganda Brigadier Richard Karemire, oo sheegay in 4 Askari looga dilay weerarka, 6 kalena ay uga dhaawacmeen.

Brig Karemire ayaa Wariye-yaasha u sheegay shalay in Askarta dhaawaca ah ay xaaladooda soo wanaagsanaanayso, islamarkaana ay ku jiraan Isbitaallka AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Brigadier Karemire waxa uu xusay dhanka kale in Al Shabaab ay uga dileen weerarka 30 xubnood, iyadoo Museveni uu sheegay in 36 la dilay.

Kooxda ay xaqiijiysay in 14 ay ku waysay howlgalka Muula-Mareer ka fulisay, kaasi oo ahaa mid midkii ugu khasaaraha badnaa oo Ciidamada Uganda lagu qaado tan iyo billowga sanadkan 2018-ka.

Dalalka Geeska Africa ayaa ugu deeqay howlgalka Midowga Africa ee AMISOM 22,000 oo Askari kuwaasi oo mudo 10 sano ah dagaal kula jira Al Shabaab, iyadoo wali aysan ku guuleysan inay nabadeeyaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM