Musharaxa Nuur Iidow oo ku guuleystay doorashada Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Musharaxa Nuur Iidow Beyle, ayaa ku guuleystay Kursiga Jufada Cali Madaxweyne ee Beesha Xawaadle ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida [NISA] Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa looga adkaaday doorashada maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa helay wareegga kowaad ee codbixinta 24 cod, iyadoo musharax guuleystay ee Nuur Iidow Beyle uu ku guuleystay 23 cod, sida uu shaaciyay gudiga doorashooyinka.

Waxay labada musharax ee ugu codka badan u gudbeen wareegga 2aad kaasi oo uu ku adkaaday Nuur Iidow Beyle, kadib markii uu helay 27 cod, cododkiisa ay dhiibteen 51 ergo.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashadii maanta lagu qabtey Jowhar, iyadoo sheegtay inuu kusoo baxay Nuur Iidow Beyle.

Warar hoose oo warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Musharaxa Nuur Iidow uu taageero xooggan uu ka helay Villa Soomaaliya ay u suurta-gelisay inuu ku guuleysto Kursiga Xildhibaanimo.

Tartanka oo ahaa mid adag oo dhaqaalo badan lagu bixiyay, ayaa waxaa ku loolamaya 6 musharax oo kala helay cododka wareeggii 1aad ee doorashada sidan hoos ku xusan:

Sanbaloolshe 24 cod

Nuur Iidow Beyle, 23 cod

Cali Cabdullaahi Cosoble [Madaxweynihii hore ee HirShabeelle], 1 cod

Xuseen Axmed Geelle, 0

Dahabo Xasan Axmed, 0

Daahir Cabdulle Cawaale, 0

Sanbaloolshe ayaa kursigan baneeyay bishii April, ee 2017-kii kadib markii loo magacaabay Taliyaha NISA, iyadoo xilkaasina laga qaaday qaraxii Zoobe kadib, markii uu ku fashilmay shaqada Nabad Sugida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM