Muudey oo isagu yeeray Villa Hargeysa Xildhibaano difaacaya Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ayaa caawa Villa Hargeysa isagu yeeray Xildhibaano, kadib markii Mooshin xilka qaadis ah laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan gaarka ah, oo la sheegay in laga soo abaabulay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo Xildhibaanada ka qeybgalaya ay u badan yihiin kuwa katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiweli Muudey, ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaarinayo Mooshin cusub, oo laga keenayo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo qabtey Mooshin in ka badan 92 Xildhibaan ka keeneen Farmaajo.

Olole siyaasadeed oo isku soo horjeeda ayaa caawa ka socda Muqdisho, iyadoo dalka uu galay marxalad kale, iyadoo horey u jiray khilaaf siyasadeed bilooyin soo jiitamayay oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Mursal ayaa shalay dib ugu soo celiyay shaqada Guddii Maaliyadda Gollaha Shacabka, kaasoo ku xigeenkiisa Muudey kala diray bishii laoso dhaafay markii uu warbixin musuq-maasuq la xiriirta kasoo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle.

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo ayaa loo cuskaday eedeymo 5 gaaraya, oo dhamaantooda ah kuwa cul-culus, oo Xildhibaanada ku tilmaameen jebin iyo ku xad-gudub dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay saxiixa heshiisyo qarsoodi ah, oo dhawaan la galay dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, isagoo aan wax wada-tashi ah kala yeelan Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM