Muudey oo shaaciyay Waqtiga codka loo qaadayo Mooshinka Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa shaaciyay in maalinta berri ah [Arbaco, 4-ta April] loo codeyn doono Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Muudey ayaa ku wargeliyay dhamaan Xildhibaanada Gollaha Shacabka inay soo xaadiraan Kulanka Berri oo ajandihiisu yahay cod u qaadista Mooshinka kalsooni kala noqoshada laga soo gudbiyay Jawaari bishii lasoo dhaafay.

Go'aanka Muudey ayaa kusoo beegmaya xilli Khilaafka Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka uu cirka isku shareeray, islamarkaana uu Jawaari Shir jaraa'id oo uu maanta qabey ku sheegay inuusan xilka iska-casili doonin. Halkan ka akhri warka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay sabtidii Kulan Xildhibaanada keenay Mooshinka ku yeelan lahaayeen Xarunta Gollaha Shacabka, isagoo kadib billaabey waan-waan inuu ka dhex sameeyo dhinacyada Khilaafka.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saarey qodobo ay uga digayaan qabsoomida Kulanka Arbacada, iyagoo sheegay in Xukuumadda ay qaadi doono mas'uuliyadda dhibatdii ka dhalata Kulanka la iclaamiyay.

Waxay Xildhibaanadu wacad ku mareen inay difaaci doonaan Jawaari, islamarkaana ay kahor-tagi doonaan duulaan ay sheegeen in Xukuumadda Khayre kusoo qaadey Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri Warbixinta.

Khilaafka jira ayaa gaarey meel khatar ah, iyadoo ay mara-dhali waayeen isku-dayo iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, oo Gudigii Aqalka Sare u magaacabay xalintiisa ay dhawaan gacmaha ka taagteen, waxaana la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: In ka badan 25 Kun oo Arday u Fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in adeegyada dowliga ah iyo howlaha bulshada ay si caadi ah u socdaan.

  • Soomaliya

    30-05-2026

  • 08:44AM

Ciidamo Taabacsan Lafta Gareen oo Galay Baydhabo, Dagaal Culus oo Ka Socda Gudaha Magaalada

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa sare u kacday tan iyo markii xilka laga qaaday Lafta Gareen.

  • Soomaliya

    30-05-2026

  • 05:06AM