Saameynta heshiiska Farmaajo iyo Rooble ee doorashada

Image
Labada mas'uul ee ugu sareeya dalka ayaa asbuucii shaaciyey in ay soo afjareen murankooda.

MUQDISHO, Soomaaliya -Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadeyiyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa xalliyay khilaaf ka dhashay magacaabis hogaanka laamaha amniga.

Murankaas ayaa wuxuu sameeyay doorashada baarlamaan cusub iyo madaxweynaha 10aad, sida uu xaqiijiyey afhayeenka dowladda oo hadlaygoor dambe oo Khamiistii ah.

Soomaaliya waxaa qorshuhu ahaa in ay doorato madaxweyne cusub bishaan, taas oo soo afmeeri lahad geeddi-socodka doorashada dadban ee dib-u-dhaca weyn uu hareeyay.

Balse, waxaa soo wajahay caqabad intii uu socday khilaaf u dhexeeya Farmaajo iyo  Rooble oo ku saabsanaa cidda hoggaamin doonta Hay'adda Sirdoonka Qaranka.

Farmaajo iyo Rooble ayaa mid walba magacaabay musharrax kale oo beddeli doona madaxa hay’adda, kaasoo shaqada laga joojiyay bishii hore kaddib markii la waayay sarkaal sirdoon.

Heshiiskan ayaa dhigaya in qofka uu madaxweynuhu u magacaabay xilka uu hadda si kumeel gaar ah u qaban doono, halka ninka uu ra’iisul wasaaruhu u doortay la siin doono kaalin ka duwan oo ah wasiiru dowle.

"Khilaaf gooni ah oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta wasaaradda amniga gudaha ayaa sidoo kale la xaliyay," ayuu yiri afhayeenka Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Soomaaliya waxay lahayd xukun dhexe oo kooban  tan iyo markii kaligii-taliye awooda laga tuuray 30 sano ka hor, waligeedna kama aysan qabsoomin doorasho xor ah.

Marka la eego hannaanka doorashada dadban, golayaasha gobollada waxaa loogu talagalay inay doortaan guurtida, oo la dhammaystiri karo toddobaadkan.

Odayaasha beelaha ayaa soo xuli doona xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, oo hadda lagu wado inay dhacaan bisha soo socota. Baarlamaanka ayaa dooran doona madaxweyne cusub taariikh aan wali la cayimin.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku dhacay bishii Abriil, markii madaxweynuhu si sharci daro ah u sameystay muddo kororsi laba sano, taasoo keentay in ciidamadda kala qeybsamaan.

Kala qeybsanaantaas ayaa lasoo afmeeray kadib markii madaxweynuhu Rooble u xil saaray amniga iyo abaabulka doorashooyinka taasoo laba jeer dib-u-dhac u wajahdey sababo aan la sharaxin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 05:28PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Guul Muhiim ah ka Gaaray Dagaal Daacish

Tani waa qayb ka mid ah dagaalkooda 25 sano ah ee ay kaga hortagayaan kooxaha argagixisada ee soo galaya xuduudaha Puntland.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 04:58PM