Muxuu ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha kulan ka dhacay Qaramada Midoobay?

Image
Image
Image

NEW YORK, Mareykanka - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso gaarista Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs).

“Inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin faqriga, colaadaha iyo isbeddelka cimilada, haddana dawladdu waxa weli ka go’an sidii ay dalka ugu soo dabbaali lahayd amni, xasillooni iyo horumar.” Ayuu yiri mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ay la jaan qaadayso Himilooyinka Horumarka Waara SDGs, taasoo keentay in 15% hoos u dhac ku yimaado saboolnimada ka jirta dalka tan iyo sanadkii 2017.

Dawladdu ayaa qorshaynaysa inay maalgeliso waxbarashada, wanaajiso helitaanka fursadaha waxbarasho iyo inay xoojiiso dadaallada lagu kordhinayo wax soo saarka beeraha iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan ciribtirka tacadiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed iyo sare u qaadida hoggaankooda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM