Muxuu ku dhaliilay Axmed Madoobe qaabka oo ku socdo dagaalka ka dhan ah al-Shabaab?

Image
SAWIR HORE

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa muujiyay inuu saluugsan yahay sida uu ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab, xilli shalay la soo gaba gabeeyay shirkii Golaha wadatashiga Qaran.

Madoobe ayaa dhaleeceeyay dhoolatuska ciidan ee ku kacaan beelaha, isagoo carabka ku adkeeyay in ay arrintaas ku muteysanayan dhaliilo hadii aysan si toos ah u gelin dagaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Hubka lasoo bandhigayo waa kuwii ay dowladii dhexe uga tagtay gobolada dhaxe ka dib burburkii 1991-kii". Wuxuuna sheegay in maalmo gudaheed lagu xoreyn karo Galmudug hadii si sax loo adeegsado.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in haddii qof walba uu bulshada ka mid ah ay ka go’an tahay in dalka dhan la xoreeyo aysan ku qaadaneen in ka badan 15 maalmood.

Madaxweyne Madoobe ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay mas’uuliyadda wadajirka ah ee bulshada si looga hortago kooxaha xagjirka ah.

Waxa uuna ugu baaqay dhamaan bulshada soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa qatarta ka imaan karta al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ka hadlay baaxadda dhulka, wuxuuna caddeeyay in howlgallada socda la filayo inay waqti qaataan.

Waxuu sidoo kale ku nuux-nuux saday in dadaallada dib u xoreynta ay u baahan yihiin qorsheyn iyo fulin taxaddar leh.

Aragtiyada kala gedisan ee ay soo bandhigeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa muujinaya caqbadaha hortaagan gulufka ka dhanka ah al-Shabaab.

Sida xaalku yahay, waxaa la arki doonaa sida dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay isaga kaashan doonaan wax ka qabashada kooxaha xagjirka ah iyo dib usoo celinta nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM