Muxuu Madaxweynaha JFS ku yiri hoggaamiyaasha Dalalka Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM)?

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dadaallo ay ku abuureyso Isbaheysi goboleed iyo mid Caalami ah,

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ka jeediyay khudbad ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa si kulul uga hadlay cawaaqib xumada ka dhalan kartoheshiis-beenaadkii ay Itoobiya la heshay taliska Muuse Biixi haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale sheegay in heshiikan uu halis ku yahay xasilloonida gobolka, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in uu fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dadaallo ay ku abuureyso Isbaheysi goboleed iyo mid Caalami ah, oo looga hortagayo tallaabooyinka halka dhinac ay dowladda Itoobiya ku doonayso qeyb ka mida Badda Soomaaliya.

GaroweOnline.

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM