Muxuu madaxweynaha ka hor sheegay madaxda Carabta & Islaamka?

Image

RIYADH (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen madaxda wadamada Carabta & Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda Falastiin.

Madaxweynaha ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriyay baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joojinta xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan.” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM