Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri heshiiskii Itoobiya & Somaliland?

Image
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka hor jeediyey Baarlamaanka, waxaanu si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wixii dhacay 1-dii Janaayo waxa ay jebinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwoo dhaqan gala .”

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal [Soomaaliya & Itoobiya] ay ahaayeen kuwo deris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.

“Jamhuuriyadda 3-aad ka dib, Ummadda Soomaaliyeed waxay qaadatay jihada nabadda iyo la wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kamaanaan shaqayn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib darro, waxaa dhacay wax aan Itoobiya maanta ka filaynay ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.

Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada Dhuleed ee dalka iyo madaxbanaanida Qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM