Muxuu Madaxweynuhu ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Isbeddelka Cimilada?

Image
Madaxda Caalamka ayaa ka soo qeyb galay Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada.

Nairobi (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nairobi.

Madaxweybaha ayaa ku sheegay hadaljeedintiisa: “Waxaa dhawaan ka soo baxnay, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arag, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada".

Waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay sida aadka ah u saameeyeen is bedelka Cimiladu.

Madaxeynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo bedqabka deegaanka, wuxuuna intaasi ku daray in ay ka go’an tahay xaqiijinta hadafkaas.

“Taasi waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka iyo xoolaha ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika.” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay Dowladda Soomaaliya inay diyaariso shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaa loo baahanyahay in la dejiyo qorsheyaal horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, waana in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM