Muxuu Mursal kala hadlay Madaxda Jabuuti? [Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo sodcaal ku jooga wadanka Jabuuti ayaa wuxuu la kulmay mas'uuliyiinta ugu sareysa dalkaas.

Ugu horeyn, Gudoomiye Mursal wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Mursal ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne Geelle taageerada uu markasta la garab-taagan yihahay Soomaaliya, oo dalkiisa dhinac amniga ka caawinayo, iyadoo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasi oo ka howlgalaya gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa xusuusiyay Halgankii ay Shacabka Soomaaliyeed usoo galeen sidii Jabuuti uga xuroobi lahayd Isticmaarkii Faransiiska oo ay maanta u dabaal-dageen.

Dhanka kale, Mursal ayaa kulan kale la qaatey Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, oo ay si qoto dheer uga wada hadleen cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah iyo sidoo loo xoojin lahaa.

Gudoomiye Mursal ayaa maalmo ka hor u tegay wadanka Jabuuti ka qeybgalka munaasabada maalinta xorriyadda ee wadankaasi, taasoo maanta la xusay, isagoo uga wakiil ka ahaa madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sanadka walba maanta oo kale, ayey Jabuuti xustaa maalintii ay ka xorrowday gumeystihii Faransiiska, iyadoo meelaha laga xusay ay kamid tahay Gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ka howlgalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM