Muxuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay?

Image

NEW YORK, Maraykanka - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo sidii ay Caalamku uga caawin lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa khudbadiisa ku sheegay in Al-Shabab lagala wareegay 45% deegaanadii ay horey gacanta ugu hayeen, isaga oo ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta saaran muddo ka badan sodon sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday in qaadista cunaqabateyntan ay Soomaaliya u sahli karto in ay si hufan ula dagaalanto argagixisada, isla markaana ciidamada qaranka ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo iftiimiyay saameynta xun ee isbedelka cimilada ku leeyahay dadka Soomeeliyeed ayaa sheegay sida ay ula tacaalayaan abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo kaalmaha caalamiga ah ee ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha wasakhowga hawada iyo isbedelka cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM