Muxuu Ra’iisul Wasaaraha kula dardaarmay Ganacsatada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla-jaanqaadaan, si si-wadajir ah loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba”

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM