Muxuu Sacuudiga dib-ugu-furay safaaradiisa Muqdisho?

Image
Dib-u-furida safaaradda ayaa kusoo aadaysa xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashooyinka.

RIYADH, Saudi Arabia – Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaas ayaa Jimcadii shalay ahayd waxay sheegtay in dib loo furay safaaraddii uu waddankaas ku lahaa magaalladda Muqdisho.

Wafdi ka socda Sacuudiga ayaa bishii June booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay u diyaar garowga furitaanka safaaradda oo muddo sanado ah ka shaqeyneysay dalka deriska la ah ee Kenya.

Dib-u-furida safaaradda ayaa kusoo aadaysa xilli Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashooyinka baarlamaanka ayna kusii xigi doonta tan madaxtinimadda. Dalalka Carabta waxay si weyn ugu loolamayaan saameyn ku yeeshaan coddeyntan.

Bishii October ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii xukuumadda Riyadh ay danjire cusub u soo magacaabatay Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dib-u-furida safaaradda Sacuudi Carabiya ee Muqdisho.

Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad waa danjiraha cusub ee Sacuudiga u qaabilsanaan doona Soomaaliya. Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Aala-Sucuud ayaa dhaariyey diblumaasiga.

Xafladda dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa mar sii horeysay wuxuu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Dr. Maxamed Cabdi-kani Al-Khayat ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017 warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM