Xudunta khilaafka soo shaac-baxay ee gudoonka Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sarre baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka hor-yimid go'aanadii kasoo baxay golahaas uu ka tirsan yahay.

Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ku eedeeyay afhayeenka Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, in uu baajiyey kulan ay xaruntooda Muqdisho ku yeelan lahaayeen guddiga joogtadda ah.

Mr Guhaad oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa "sharci darro" ku tilmaamay guddi qaab online ah ku yeeshay fadhiga ay kasoo baxeen go'aanada oo Cabdi Xaashi uu shir-gudoomiyey.

Go'aanada waxaa qayb ka ahaa in madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ay kulmaan kahor 25-ka bisha June, 2020 "si loo helo hab la isla ogol-yahay oo lagu galo doorashooyinka 2020-21".

Dhinaca kale, gudoomiye Guhaad ayaa ku eedeeyay Cabdi Xaashi in uu diidan yahay fadhi wadajir ah oo mudaneyaasha labada Aqal ay ku meelmariyaan xeerarka doorashooyinka soo aadan.

Sharci-dejiyahaan laga soo doorto Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in cawaaqibka iyo dib u dhaca ka dhasha arrinkaas uu qaadayo Cabdi Xaashi oo aan wali ka jawaabin eedeymaha loo jeediyay.

Dedaalo kala duwan oo ay ku doonayeen "in ay ku qanciyaan Cabdi Xaashi" ayuu caddeeyay in ay qaadeen, balse aysan mirodhalin.

Tani ayaa ka dhigan in guddoonka Aqalka Sarre uu dhexdooda kasoo ifbaxay khilaaf, waxaana ay caqabad kusii noqoneysaa howlaha baaxada leh ee u yaala golaha kuna saabsan doorashadda.

Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kamid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxdda dowladda federaalka Soomaaliya ee waqtiga kasii dhamaanayo, si gaar ah waxay isku heeb yihiin madaxweynaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM