Muxuu Swan diirada ku saarey hadal-jeedintiisa shirka UN-ka?

Image
Image
Image
Image
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka  uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Swan oo ay wehliyaan madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira iyo Caasha Siyaad oo ka mida aasaasayaasha Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qodbo badan.

Ugu horeyn, ergayga ayaa wuxuu soo dhaweeyey horumarka ilaa hadda la gaaray waxa uuna boorriyey in si dhaqse ah loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxa uu soo jeediyey in liiska kuraasta loogu qoodeeyey haween la baahiyo iyo in xaqiijinta qoondada boqolkiba 30 ee haweenka la gaaro.

Danjiraha ayaa waxa uu ku carrabka ku adkeeyay in ka qeyb galka iyo metelaadda siyaasadda ee haweenku muhiim u tahay horumar iyo nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho.

"Dib-u-dhacyada geeddi-socodyada doorashada ayaa sii wada inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay hortebinnada qaranka oo ay ka mid yihiin dowladnimada, ammaanka iyo horumarka," ayuu yiri Swan.

Wuxuu intaas sii raaciyey: "Xaaladda bini'aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado joogto ah, barakac iyo jahawareerka cimilada".

Ugu dambeyntii, sida laga soo xigtey Swan, qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini'aadannimo sanadka 2022, waana in ay arrintaas UN-ka il gaar ah ay ku eegto dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM