Muxuu Xasan Sheekh kusoo qaadi doonaa khudbadiisa baarlamaanka?

Image
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagaya labada gole ee baarlamaanka federaalka.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortagaya kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka jeedin doona khudbad la filayo inuu kaga hadlo arrimo siyaasadeed oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dib u eegista Dastuurka iyo talooyinka ay soo jeedinayaan dhinacyada siyaasadda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ku dhawaaqi doono shir wadatashi ah oo uu la yeelanayo madaxda madasha wadatashiga qaran, kaasoo daba socda go’aamo hore oo aan wali xal loo helin laga soo bilaabo May 27, 2023.

Ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu faahfaahin doono heshiis dhinaca difaaca badda ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga inta lagu guda jiro kulanka baarlamaanka ee berri.

Heshiiska, oo la saxiixay muddo 10 sano ah, ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona Ciidamada Badda ee Turkiga oo howlgallo difaac ah ka fulin doona biyaha Soomaaliya.

Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiiskan istiraatiijiga ah ee dhinaca amniga ku kala saxiixday 8-dii Febraayo.

Ku dhawaaqistan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Itoobiya ay heshiis muran dhaliyay la saxiixatay gobolka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM