Muxuu yahay ujeedka safarka Gudoomiye Mursal ee Baydhabo?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Sooamaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku sugan maalintii 2aad magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiye Mursal oo ah wehliyeen Xildhibaano ayaa gaarey Baydhabo maalintii shalay, iyadoo safarkiisa uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada tan iyo doorashadiisii April, 2018.

Ujeedka safarka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ahna ku simaha Madaxweynaha dalka ayaa waxa uu la xiriira arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeysay inuu maanta oo Isniin ah daah-furo kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Mursal ayaa lagu soo waramayaa in inta uu jooga Baydhabo uu kulamo la yeelan doono madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed, oo uu kamid yahay Madaxweyne Shariif Xasan, oo uu kala hadli doono arrimo aan wali la shaacin.

Mursal oo mar nooqday Wasiirka difaaca iyo safiirka Soomaaliye ee Turkiga ayaa ah shaqsi xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Madaxweyne Shariif Xasan, oo ah saameyn ku leh marka la magacaabayo wasiirada Digil iyo Mirifle ee Xukuumadda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM