Muxuu yahay ujeedka safarka Gudoomiye Mursal ee Baydhabo?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Sooamaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku sugan maalintii 2aad magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiye Mursal oo ah wehliyeen Xildhibaano ayaa gaarey Baydhabo maalintii shalay, iyadoo safarkiisa uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada tan iyo doorashadiisii April, 2018.

Ujeedka safarka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ahna ku simaha Madaxweynaha dalka ayaa waxa uu la xiriira arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeysay inuu maanta oo Isniin ah daah-furo kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Mursal ayaa lagu soo waramayaa in inta uu jooga Baydhabo uu kulamo la yeelan doono madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed, oo uu kamid yahay Madaxweyne Shariif Xasan, oo uu kala hadli doono arrimo aan wali la shaacin.

Mursal oo mar nooqday Wasiirka difaaca iyo safiirka Soomaaliye ee Turkiga ayaa ah shaqsi xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Madaxweyne Shariif Xasan, oo ah saameyn ku leh marka la magacaabayo wasiirada Digil iyo Mirifle ee Xukuumadda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM