MW Xasan Sheekh oo shir ku saabsan Amniga Soomaaliya kaga qeyb galay Imaaraatka

Image
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dalalka ka taageera Soomaaliya dhanka amaanka.

Abu Dhabi (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir looga hadlayay Amniga Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dalalka ka taageera Soomaaliya dhanka amaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda ‘AS’ iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweynaha oo shirka ka hadlay ayaa yiri: “Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xasilloonida gobolka lagana fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ‘AS’, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Shirkan ayaa imaanaya ka dib Shirkii Amniga Soomaaliya ee dhammaadkii sannadkii tagay lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM