Nabadoon kamid ahaa Ergadii Doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Dabely hubeysan ayaa xalay nabadoon kamid ahaa Ergadii doorashada ku dishay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, xilli amniga si aad ah loo adkeeyay oo meel akasta Ciidamo lagu daadiyay.

Odayaga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cali Xasan ayaa waxaa lagu toogtey meel u dhaw Gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley, oo kamid ah goobaha lagu ugaarsado Odayaasha dhaqankaa ee ka qeyb-qaatey Doorashadii Baarlamaanka.

Marxuum Ibraahim oo kamid ahaa Ergadii soo dooaratay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meydkiisa laga qaadey goobta lagu dilay, kadib markii ay baxsadeen dableydii dilkiisa ka dambeysay.

Dilka Odaygan oo ay fuliyeen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa waxaa mas'uuliyadiisu sheegtay Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM