Nimca Happy: Telefoonkayga wuxuu ka nasan la'yahay wicitaano
MUQDISHO, Soomaaliya - Bishii lasoo dhaafay, qiyaastii labadii daqiiqaba muuqaal walba oo lagu faafiyey aalladda Shiinaha laga leeyahay ee TikTok wuxuu ahaa heesta fanaada Soomaaliga ah ay qaadey ee Nimca Happy.
Si gaar ah, waxaa dadweynaha u soo jiitay tuducda ay ku jiraan miraha "I love you more than you love me" taasoo macnaheedu yahay "Waxaan ku jeclahay in ka badan inta aad i jeceshahay".
Heeskan miraheedu ka kooban yihiin luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, Sawaaxliga iyo Carabiga ayaa June, 2017 waxaana lagu soo bandhigay bandhig faneed ciideedka Tv-ga xaruntiisu tahay Kenya ee RTN Soomaali.
Inkasta oo bilihii ugu horeysay ee ay soo baxdey ay caan ka dhex-noqotay Soomaalida dhexdeeda, haddana sida ay bishii lasoo dhaafay u qabsatay masraxyadda caalamka waa wax ka weyn qalbiga Nimca Happy.
"Walaahi waxaan dareemayaa farxad. Hadda waxaan ahay qof laga garanayo caalamka. Ugu dambeyntii, aduunka wuu i aqoonsadey. Halkaasna waxaan ku gaarey Soomaalinimo," ayay u sheegtay BuzzFeed News.
Sida ay warisay majaladda The Guardian, Akafi Cabdi oo ah Soomaali ku nool Ingiriiska aadna u isticmaala barta Tiktok ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee iska soo duubay heestan isla markaana sababta u ahaa caanimada heeska.
Fanaaniinta caanka ah ee heeska iska soo duubay waxaa kamid ah Cardi B oo Ameerikaan ah. Beella Xadiid oo sidoo kale ah gabar model Ameerikaan ah ayaa sidoo kale ciwaanadeeda baraha bulshadda ku baahisay heeskan.
"Tan iyo markii heestayda 'Isii Nafta' ay qaraxdey telefoonkayga kama nasan wicitaanada dadka isoo hambalyeynaya. Waa mahadsan tihiin baa leeyahay dalkaas. Qorshaygana waa in aan horey u sii wado fankayga siina horumariyo," ayay Nimca raacisay.
Nimca oo fanka soo gashay horaantii sanadkii 2017-kii ayaa wareysiga BuzzFeed News waxay bixisay iyadda oo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. "Dhaqanka Soomaalida ayaa ah in gabadhu fanka ku badnaan".
Soomaali badan ayaa baraha bulshadda waxay ku muujiyeen dareen farxadeed oo ay ku taageerayaan Nimca. Si gaar ah, haweenka waxay ku dabaaldegayaan in ay mar walba hormuud u yihiin horumarka magaca dalka.
GAROWE ONLINE