Nin lix wadan Baaskiil ku maray si uu jaamacadda Al-Azhar u gaaro.

Image
Image

CAIRO, Masar - Shaafici Maamado Baari oo ah muwaadin u dhashay dalka Guinea ee dhaca galbeedka Afrika ayaa Baaskiil ugu kala gudbay lix wadan si uu ugu danbayn u gaaro jaamacadda Al-Azhar.

Ninkaan dhalinyaradda ayaa isaga gudbay Guinea, Mali, Burkina Faso, Togo, Benin, Niger iyo ugu danbayn dalka Chad.

"Waxaan seexan jiray kaymaha iyo buuraha aniga oo maalintii oo dhan aan wax cuni jirin hal mar oo kaliya ma ahane mana heli jirin biyo aan ku qobaysto".

Ninkaan dhalinyarada ah ee in ka badan shan kun oo kiilo meter ku maray Baaskiilka ayaa ugu danbayn gaaray dalka Masar isaga oo ay aqbashay in uu arday ka noqdo jaamacadda caanka ah ee Al-Azhar.

"Waxaan ka daawaday Youtube ka sheikh Shacraawi waxaan ka helay sida uu dadka ugu yeero Diinta Ilaahay iyo sida uu Qur'aanka u akhriyo waan jeclaystay" ayuu yiri isaga oo ka hadlayay waxa ku riixay safarkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM