Nin Xildhibaan ka waayay Somaliland oo Muqdisho ka helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho ka dhacday doorasho buuq hareeyay, oo kamid ah Kuraasta Gobolada Waqooyi [Somaliland].

Kursigan oo sumadiisu tahay Hope-272 ayaa waxaa u tartamay ugu yaraan shan Musharax oo uu kamid yahay ninkii horey ugu fadhiyay Guuleed Cayduruus Cige.

Intii uu socday tartanka, waxaa isaga baxay hoolka labo Musharax kadib markii la bedelay ergadooda, iyadoo ay ka warheleen musuq-maasuq inuu jiro.

Waxaa ku guuleystay Musharax uu Mahdi Guuleed keensadey oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Cumar, kaasoo bishii May u tartamay kursi Xildhibaan, balse ku guuldareystay.

Hal kursi kaliya ayaa Maanta lagu doortey Xerada tababarka booliska Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho, halkaasoo shalay shan kursi lagu doortay, kuwaasoo Somaliland matelaya.

Dhuusamareeb waxaa lagu qabtey doorashada Gollaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kusoo baxay kamid ah Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Dhegay, oo iska casiley dhawaan Kursi Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM