​Ninkii dilay taliyihii NISA Shabeellaha dhexe oo la qabtay

Image
Image
Image

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii shalay loo gaystay  AHN taliyihii ciidamada nabadsugidda gobolkaasi Cabdiwali Ibraahim oo uu dilay nin katirsanaa ciidanka.

Ciidamada amniga ayaa maanta gacanta kusoo dhigay, isagoo ku dhuumalaysanaya nawaaxiga degmada Jowhar, waxaana la dulgeeyay maydka taliyaha oo waqtigaasi lagu tukanayay salaadda Janaasada.

Maamulka gobolka, ayaa ka hadlay soo qabashada dambiilahaasi, waxayna tilmaameen inay dhawaan cadaaladda horgayn doonaan, iyagoo sidoo kale tilmaamay inay baaritaan ku samayn doonaan arrimo kale oo la xiriira sababta uu dilka u gaystay iyo inuu horay uga tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed Meyre Makaraan, oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdishu, ayaa sheegay in ninkan lasoo qabtay xilli lagu howlanaa aaska marxuumka, sidaasi awgeed laga gaari waayay in baaritaan iyo su'aalo badan la weydiiyo.

Dilka taliyaha ayaa imaanaya xilli la sheegay in dhalinyaro badan oo kasoo laabatay kooxda Al Shabaab lagu daro ciidamka NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM