NISA oo gacnta ku soo dhigay xubno doonayay in ay ku biiraan ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 25 xubnood oo qorsheynayay inay ay ku biiraan kooxda “AS”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Hay’adda.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, in Xubnahan ay doonaayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo wata gaari nuuca loo yaqaano Caasi kana soo baxay deegaan hoos taga degmada Afgooye.

Xubnahan ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay in loo waday in la askareeyo kuna biiraan dagaalamayaasha ‘AS’.

Gabagabada bayaanka ayaa lagu xusay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ay ka go’an tahay markasta in la beegsado AS ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM